Sidee ayaad wakhtigaaga midho-dhal uga dhigi kartaa?
Waqtigu waa mid ka mid ah nicmooyinka ugu qaalisan ee uu Allaah ina siiyey, waana hanti aan dib loo soo celin karin marka ay ina dhaafto. Qur’aanka Kariimka ah, Sunnada Nebiga (NNKH) iyo waanooyinka culimadii hore waxay ina tusayaan qiimaha waqtiga iyo muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto. Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa muhiimadda waqtiga, masuuliyadda inaga saaran ilaalintiisa iyo toddoba tallaabo oo inaga caawin kara inaynu waqtigeenna ku bixino cibaadada, waxbarashada, shaqada iyo horumarka nolosheenna.

Muhiimadda Waqtiga iyo Sida Looga Faa’iideysto
Hordhac
Bismillah
Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Allah ((cw)), Ammaan iyo nabadgelyo Rasuulkeenii korkiisa Ha ahaato.
Intaa kadib.
Maqaalkan waxaynu kaga hadli doonaa Muhiimadda Waqtiga iyo sida ugu wanaagsan ee aynu uga faa’iideysan laheyn.
Waqtigu waxa uu ka mid yahay Nicmooyinka uu Ilaahey inna siiyey kuwooda ugu waaweyn, waxa aynu ku garanaynaa sida Allaah iyo Rasuulkuba inoogu booriyeen ka faa’ideysigiisa.
1. Muhiimadda Waqtiga ee Qur’aanka
Marka aynu eegno Qur’aanka iyo sida uu Waqtiga uga hadley Ilaahey ayaa ku dhaartey Waqtiga
1.1. Aayadda koowaad
١_ قال الله تعالى ( وَالْعَصْرِ).
Oo macnaheedu yahay. Allah waxa uu yidhi “Waxaan ku dhaartey Waqtiga (xilliga galabtii)”.
1.2. Aayadda labaad
٢_!وقوله تعالى ( وَالْفَجْرِ).
Oo macnaheedu yahay Allah wuxuu yidhi “Waxaan ku dhaartey Waabariga”.
1.3. Aayadda saddexaad
٣_ وقوله تعالى (وَهُوَ الذي جَعَلَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ خِلْفَةً لِمَنْ أَرَادَ أنْ يَذَّكَّرَأَوْأَرَادَ شكُوراً).
Oo macnaheedu yahay “Allaah waa Allaha ka yeelay Habeenka iyo Maalinta kuwo isbaddelaya “jaanis u ah” qofka doonaya in uu ilaahey Xuso ama raba inuu mahadiyo”.
Aayadahaas iyo qaar badan oo kale waxay inna tusayaan qiimaha Waqtiga.
2. Muhiimadda Waqtiga ee Sunnada Rasuulka
Haddana waxaynu eegaynaa sida Rasuulku inoogu booriyey ka faaideysiga Waqtiga.
2.1. Caafimaadka iyo waqtiga jaaniska ah
١_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ” نعمتان مغبون فيهما كثير من الناس الصحة والفراغ”.
Oo macnihiisu yahay: Rasuulku csw wuxuu yidhi “ laba Nicmo oo dadka badankoodu ku kadsoomaan Caafimaadka iyo Waqtiga Jaaniska ah”.
2.2. Waqtiga iyo xisaabta maalinta Qiyaamaha
Waxa kale oo inoo sheegay Rasuulku csw in Waqtigu ka mid yahay Nicmooyinka lays waydiin doono maalinta xiisaabta
٢_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ” لا تزول قدما عبد يوم القيامة حتى يسأل عن أربع: ومنها عن عمره فيما أفناه وعن شبابه فيما أبلاه ……”.
Oo macnihiisu yahay: Rasuulku csw wuxuu yidhi “Addoon lugihiisu ka dhaqaaqi maayaan maalinta qiyaamaha ilaa laweydiiyo Afar Arrimood waxa ka mid ahaa cumrigiisa wuxuu ku soo qaatey iyo Dhalinyaranimadiisii wuxuu ku soo dhemmeystey”.
2.3. Shan fursadood oo ay tahay in laga faa’iidaysto
٣_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لرجل وهو يعظه ” اغتنم خمسًا قبل خمس: شبابك قبل هرمك، وصحتك قبل سقمك، وغناك قبل فقرك، وفراقك قبل شغلك، وحياتك قبل موتك”.
Rasuulku csw wuxuu ku yidhi isaga oo Nin waaninaya “Shan ka faa’iideyso shan kale inta aaney ku haleelin kahor. Dhallinyaranimadaada ka faaideyso inta aanad gaboobin kahor, Caafimaadkaaga inta aanad xanuusan kahor, Hantidaada inta aanad Sabool noqon kahor, Waqtigaaga jaaniska ah inta aanad Mashquulin kahor, Noloshaada inta aanad dhiman kahor”.
Waxa jira Axaadiis badan oo ka hadleysa Waqtiga iyo qiimihiisa balse intaasi waano inoogu filan.
3. Sida ay Dadkii Innaga Horreeyey u Arki Jireen Waqtiga
Haddana waxaynu eegaynaa sidii ay u arki jireen Waqtiga Dadkii innaga horeeyey.
3.1. Oraahda Ibnu Mascuud
١_ قال ابن مسعود رضي الله عنه ” ما ندمت على شيء كندمي على يوم غربت شمسه، نقص فيه أجلي ولم يزد فيه عملي”
Ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu yidhi: “: “Waligey ugama qoomamoon shay sidaan uga qoomamooday Maalin ay Cadceedeedu dhacday oo Cimrigaygu soo gaabtey Camalkeygana aaney waxba ku kordhin.”
3.2. Oraahda Ibnu Al-Qayyim
٢_ قال ابن قيم رحمة الله “إذا أراد الله بالعبد خيرًا أعانه بالوقت وجعل وقته مساعدا له ….”.
Wuxuu yidhi ibnu Alqayyim Allah how naxariistee: “: “Ilaahey haddii uu adoonka khayr la doono wuxuu waafajiyaa Waqtiga, wuxuuna uga yeelaa mid Caawiya….”.
3.3. Oraahda Xasan Al-Basri
٣_ قال حسن البصري “يا ابن أدم إنما أنت أيام، فإذا ذهب يومك ذهب بعضك”.
Xasan al Basri wuxu yidhi isaga a oo ka hadlaya qiimaha Waqtiga “ ina Aadamow waxaad tahay maalmo keliya ,Haddii uu maalinkaagu tago badhkaa baa tagey”.
Saxaabadii iyo Dadkii inaga horreeyeyba waxay ka digi jireen in waqtiga la lumiyo waxayna ku dadaali jireen sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen Waqtigooda.
4. Maxaa Inaga Caawinaya in Aynu Waqtigeena ka Faa’iideysano?
In aynu ogaano Waqtiga qiimihiisa iyo inuu yahay nolosheena.
In aynu la saaxiibno dadka waqtiga ilaaliya ee ka faa’iideysta.
In aynu qorsheyno yoolalkeena nolosha si aynu ugu gaadhno waqti kooban.
In aynu ku Xidhnaano Ilaahey kana fogaano Macaasida.
In aynu u qayb-qaybino waxqabadkeena waqtiga una kala hormarino siday u kala muhiimsan yihiin.
In aynu u talo saarano Allaah marka aynu la nimaadno sababaha.
Gunaanad
Waxaan kusoo gabogabeynaynaa Maqaalkeenan in Waqtigu yahay waxa ugu qaalisan ee aynu haysano loona baahanyahay in aynu ilaashano ugana faa’Iideysano sida ugu fiican.
Tixraac
Tixraac:
أهمية الوقت ” مجلة الألوكة”.
كتاب قيمة الزمن عند العلماء.
الأسباب المعينة على تنظيم الوقت ” إسلام ويب “.
Waxa tarjumtey: Asma Axmed.
Faallooyin
Weli faallo ma jirto. Noqo kan ugu horreeya.